To view this newsletter in English, click here.
Ku socota deriska
Adiga iyo qoyskaagaba waxaan idiin rajaynayaa ciid wanaagsan!
Warqadan waxaan idiinka soo diray Aqalka hoose ee Baarlamaanka Gobolka Minnesota si aan idiinla socodsiino sida ay sanadkan u socdaan howlaha sharci dejinta ee Gobolka Minnesota.
Doorashadii dhacday bishii November dadka reer Minnesota waxay u codeeyeen tiro is le’eg oo xisbiga Dimuqraadiga iyo Ribablikaanka ah. Haseyeeshee, xubintii Dimuqraadiga ee laga soo doortay xaafadda Roseville oo lagu eedeeyay inuuna xaafadda deganayn ayaa keentay in kursigaasi banaanaado taasoo ku soo beegantay wakhtigii shaqada Baarlaamku bilaabantay, taasina waxay meesha ka saartay wadahadaladii socday ee awood qaybsiga kuwaas oo ahaa kuwo gabagabo ah. Ka dib markay Ribablikaanku diideen inay si daacad ah u sii wadaan wadahadalada awood qaybsiga Dimuqraadigu waxay isticmaaleen xeelad ay baarlamaanku isticmaalaan oo ah in kooramku buuxsami waayo si ay uga hortagaan in Ribablikaanku yeeshaan awood ayna codbixiyayaashu siinin. Mudo dhawr usbuuc ah xubnaha Dimuqraadigu waxay ka shaqaynayeen degmooyinka laga soo doortay mana ayna iman aqalka Baarlamaanka ee Saint paul ku yaala si ay uga hortagaan inay Ribablikaanku doortaan afhayeenka baarlamaanka oo iyaga ah ka dibna ay magacaabaan gudiyadda kala duwan ee Baarlamaanka gudiyadaas oo shaqayn lahaa labada sano ee soo socota. Si kastaba ha ahaatee Ribablikaanku waxay sameeyeen afgembi waxayna si sharci daro ah kula wareegeen afhayeenkii waxayna magacaabeen gudiyo isla markaana waxay muddo usbuucyo ah matalayeen inayna cidina maqnayn waxayna qabanayeen wax u eg shirarkii caadiga ahaa ee Baarlamaanka. Nasiib wanaag Maxkamada sare ee Rafcaanka ee Gobolka Minnesota ayaa xukuntay in afgembigaasi ahaa mid sharci daro ah oo aan waafaqsanayn qaanuunka gobolka.
Ka dib markii ay maxkamadu sidaa xukuntay ugu dambayn Ribablikaanku waxay ku soo noqdeen miiska wadahadalada waxayna ogolaadeen inay Dimuqraadiga la shaqeeyaan. Markay arintaasi dhacday Dimuqraadigu waxay ku soo noqdeen Saint paul si ay dib ugu abaabulaan xubnaha Baarlamaanka. Heshiiska la gaadhay waxaa ku jiray in Lisa Demuth oo Ribablikaan ahi ay noqoto afhayeenka Aqalka hoose ee Baarlamaanka labada sano ee soo socota.
Muddo usbuucyo ah iyagoo isticmaalaya awoodooda ku meel gaarka ah waxay Ribablikaanku isku dayeen inay meelmariyaan sharciyo aad u xunxun. Sharciyadaas waxaa ka mid ahaa in gadashada hubka la fududeeyo,in la dhibaateeyo bulshooyinka wadanka u soo haajiray iyagoo caawinaya hay’adda ka shaqaysa masaafurinta dadka ee looyaqaano ICE, in xoriyadda iyo xuquuqda ay dumarku jirkooda u leeyihiin laga qaado,in xuquuqda laga qaado LGBT, iyo waxyaalo kale oo badan.
Nasiib wanaag Bishii Maarso waxaa xaafadda Rosville laga qabtay doorasho khaas ah taasoo soo celisay isu dheeli tirkii labada xisbi ee Aqalka hoose 67-67 ka dib markii la dhaariyay David Gottfried oo Dimuqraadi ah intaa wixii ka dambeeyay Ribablikaanku waxay ku khasbanaadeen inay Dimuqraadiga la shaqeeyaan intii ay sii wadi lahaayeen riixidda barnaamijkooda guracan.
Dhawrkii bilood ee xigay sharci dejintu waxay ka shaqaynayeen dejinta qorshaha miisaaniyadda Gobolka miisaaniyaadaas oo ah mid ka jawaabaysa baahida reer Minnesota una horseedaysa guul xagga dhaqaalaha ah. Waaxda Minnesota u qaabilsan maaraynta iyo miisaaniyadu waxay dhowaan soo saareen saadaalintoodii u dambaysay ee ay ku saadaalinayeen sida ay noqon doonto miisaaniyadda Gobolku. Saadaalintan cusubi waxay sheegaysaa in miisaaniyadda gobolku aanay fiicnayn jiho khaldana u dhaqaaqday marka la barbar dhigo saadaalintii la soo saaray bishii November ee sanadkii tegay. Talaabooyinka dhaqaale ee mas’uuliyad darada ah ee uu qaadayo Donald Trump’s ayaa saameeyay saadaalintan,waayo waxaa la filayaa in sixir bararku sii kordho canshuurta soo xaroonaysaana yaraato. In canshuur dhaaf wayn loo samaynayo dadka taajiriinta waawayn ah iyo shirkadaha waaweyn, isla markaano la jaro caafimaadka la siiyo dadka danyarta ah ee Medicaid ayaa waxaa la filayaa inay raad xun ku yeelandoonto miisaaniyadda. Gobolkeena Minnesota xubnaha Aqalka hoose ee Ribablikaanku waxay dhaqan gelinayaan qorshaha ah in canshuur dhaaf wayn loo sameeyo shirkadaha waawayn sida Meta/facebook. Canshuur dhaafidda noocan ah ayay doonayaan inay meel mariyaan iyagoo ku andacoonayo waxay keeni doonta “ shaqo abuur” laakiin meeshii shaqo laga abuuri lahaa tani waxay keenaysaa in shaqooyinkii wanaagsaa la lumiyo oo ay shaqo la’aan keento. Mar kasta oo canshuur dhaaf wayn la sameeyo waxay keenaysaa in la waayo lacag lagu fuliyo barnaamijyadda muhiimka ah ee bulshadeenu u baahan tahay, sida mashruuca loogu samaynayo Magaalada Rochester’s bulaacadda dhulka hoosteeda marta.
Meeshii ay qiimaha maciishadda hoos u soo dhigi lahaayeen sidii ay balan qaadeen markii ay tartanka doorashada ku jireen, Donald Trump iyo xubnaha baarlamaanka ee Ribablikaanku waxay qarka u saaran yihiin inay canshuur dhaafkii ugu waynaa u sameeyaan dadka taajiriinta ah iyo shirkadaha waawayn iyagoo isla markaana caafimaadka ka jaraya caruurta, qoysaska, dadka waayeelka ah iyo naafada. Arintani waxay dhib wayn u gaysanaysaa dadka reer Minnesota- oo ay ka midyihiin dadka reer Rochester iyo miisaaniyada Gobolka.Sidoo kale waxay dhib u gaysanaysaa dadka cilmi baadhista samaynayay ee bulshadeena waxaa laga jaray dhaqaalihii ay cilmi baadhista ku sii wadi lahaayeen si ay u hormariyaan arimaha caafimaadka, lacagtii beeralayda lagu kabayay waxyar ayaa laga soo reebay, intaa waxaa dheer dadkii khibradda caafimaadka ee heerka sare ah lahaa ee bulshadeena u adeegayay waxay khatar ugu jiraan in fiisooyinka lagala noqdo.
Waxaan kaa balan qaadayaa in xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka hoose ee baarlamaanku ay samaynayaan wax kasta oo awoodooda ah oo ay kaga hortegayaan kuna joojinayaan qorshayaashan guracan si ayna raad xun ugu yeelan nolosha dadka reer Minnesota, laakiin way sii adkaanaysaa hawshaasi maadaama oo uuna Guriga Cad joogin qof nagala shaqaynaya oo nagu caawinaya sidii aan u hagaajin lahayn nolosha dadka.
Waan ogahay in wakhtiga xaadidirka ah mustaqbalku u egyahay mid aan la hubin laakiin waxaan kugu dhiirigelinayaa inaad xafiiskayga la soo xidhiidhid hadii uu jiro wax aad rabtid in aan kaa caawiyo. Waxaa Sharaf ii ah aadna ugu faraxsan ahay in aan kugu matalo Saint paul, waxaana rabaa inaad ogaatid in aan ahay xubin ka tirsan bulshadaada oo kula dareen ah.
Mahadsanid,
Xildhibaan.
Andy Smith